- Aadme la aragyaba dhib la arag
- Aan wada hadalno waa aan heshiino
- Aar qoyey dacawo la mood
- Abaal dad gala badan, dad gudaase yar
- Abaal raaga rag ba leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhkasadana xoola leh
- Abeesada taan sanqarta iyo tan aamusan, tan aamusan baa la qaatay
- Abeesana dhul u eki bay wax kudisha waadadna dad u eki
- Abkeey dooli dillow. Dad nool maas u dahaa
- Aburku inta aanu kugu tufin aya lagu tufa
- Abuur iyo waano abuur baa horeeysay
- Adduun iyo khatal
- Aduunyo ka kabo li’id aakhiran usalad li’id
- Adhi been wuu diida bense ma dhutiyo
- Adin waa la dhiba, ilna waa ladhawra
- Af aamusani mari ma sedo
- Af aanad lahayn lama qabto
- Af daboolan dahab
- Afjooga looma adeego
- Af macan gacan macan baa laqanta
- Afnooli waa hadla, eyna wa ciya